U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Oo Maalintii Labaad Socota

Sheeko:Amniga

Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda diiwaan gelinta musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalka.

Shalay oo ay bilaabatay diiwaangelinta iyo shahaado siinta musharixiinta u tartamaysa kursiga ugu sareeyo dalka, ayaa waxaa isdiiwaan geeliyay illa iyo 11 musharax oo u taagan xilkaas.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo asteeyay in ay dhacdo 15-ka biishaan May, xilli guddiga ay xalay ay shaaciyeen habraca laga rabo in ay soo maraan musharixiinta daneyneysa xilkaas.

11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

 Magacyada Musharraxiinta Isdiiwaangeliyay

1: Musharrax Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed.

2: Musharrax Madaxweyne Dr. Cabdinuur Shiikh Maxamed.

3: Musharrax Madaxweyne  Xasan Cali Kheyre.

4: Musharrax Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

5: Musharrax Madaxweyne  Cabdikariim Xuseen Guuleed

6: Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle.

7: Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Macalin Axmed Ablaal.

8: Musharrax madaxweyne Cabdulkadir Cosoble Cali.

9: Musharrax Madaxweyne Cabdullaahi aahi Cali Xasan.

10: Musharrax Madaxweyne Bashiir Xaaji Cali (Jamaal).

11: Musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Macalim Abalaal.