U bood dhigaalka

Diiwaangelinta Shaqaalaha Gaarka Ah Ma mid Waxtar u Leh Baa Shaqaalaha?

Sheeko:Dalka

Horaantii Sanadkan ayey wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo bandhigtay khorshe ku saabsan Nidaamka Diiwaangelinta Shaqaalaha Gaarka ah.

24-kii bishii June ee sanadkan kulan lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa looga dhawaaqay in si rasmi ah loo billaabay howsha Diiwaangelinta Shaqaalaha ka shaqeeya Shirkadaha, Xarumaha iyo Hey’adaha aan aheyn kuwa Dowladda.

Kulanka maalintaas ka dhacay Xarunta Wasaaradda waxaa ka qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi wali Muudey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradaas Cismaan Libaax Ibraahim iyo Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida.

Muhiimadda Ka qeybgalka kulanka ee Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad-sugidda waxaa lagu sheegay in ay tahay ka shaqeynta amniga marka ay bilaabato howsha diiwaangelinta.

Hadal-heynta Arrintan ah in la diiwaangeliyo shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha gaarka ah waxay qabsatay inta badan xarumaha shaqaaluhu ay ka tirsan yihiin iyo goobaha kale ee ay dadka shaqeeyaa isugu yimaadaan ee magaalada Muqdisho.

Wasaaraddu waxay soo jeedisay in Shaqaalaha la Diiwaangeliyo, lana siiyo kaar aqoonsi Shaqaale-nimo isla Markaana qof kasta oo shaqaale ah laga qaado lacag labaatan dollar ah, waana halkaas meesha ay shaqaaluhu sida aadka ah u hadal hayeen.

Maxamed Cadde Muqtaar waa Agaasimaha wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada waxa uu ka warbixinaya sida ay wasaaraddu u qorsheysay in ay howshan diiwaangelintu ku bilaabato.

“Diiwaangelintu waa mid muhim ah waxaana looga gol leeyahay in la illaaliyo Xuquuqda Qof kasta oo shaqaale iyo la socodka hadba xaaladaha ay ku sugan yihiin dadka shaqeeya, waxaana la diiwaangelinayaa dhammaan dadka ka shaqeeya Xarumaha, Hey’adaha, Ururada iyo shirkadaha Gaarka loo leeyahay”

Maxamed Saalax Ciise oo gaashaan ku magacdheer waa waaya Arag Arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha muddo badan kusoo dhexjiray oo shaqooyin kala gedisan kasoo qabtay, mar wuxuu soo ahaa Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladdii Kacaanka.

Sidoo kale mar ayuu soo qabtay Xilka Gudoomiyaha Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo jooga Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Ayuu Gobjoog News uga warbixiyey beri-samaadkii sida shaqaalaha soomaaliyeed loo diiwangelin jiray iyo faa’idada loo arkay in arrintaasi ay ku jirto.

“Runtii wax weyn ayay labada dhinacba u tareysaa (Shaqaalaha iyo Wasaaradda) in la diiwaangeliyo qof kasta oo shaqaale ah, waana arrin waqtigeeda kasoo daahday, laakiin diiwaangelinta ka dib waa in qof kasta oo shaqaale ah uu wasaaradda shaqada ka helaa xaquuqda uu yeelanayo ama ay usoo dhicin kartaa”

Qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya xarumaha iyo shirkadaha gaarka ayaan si isku mid ah u weydiinay aragtidooda ku aadan in xilligan ay wasaaraddu bilowdo diiwaangelinta shaqaalaha gaarka ah.

Dadka ayaa aragtiyo kala gedisan ka bixiyey arrintan ayadoo qaarkood ay tilmaameen in xilli loo baahan yahay diiwaangelinta shaqaalaha ay wasaaraddu howshan billaabeyso, halka kuwa kalena ay tilmaamayaan in aaney wax micno ah sameyneynin diiwaangelin lagu sameeyo shaqaalaha gaarka ayadoo kuwa dowladda u shaqeeyaba aysan xaquuqdooda si joogta ah u heleynin wasaaradduna ka warqabin ama aysan waxba u qabanin.

In ay is diiwaangeliyaan shaqaalaha aan kuwa dowladda u shaqeeya aheyn waa go’aan waajib ah oo ay soo saartay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada laakiin waxaa xusid mudan Waajib kasta waxaa ka dhasha xuquuq taasoo ay qasab tahay in dhinaca waajibka la saaray uu bedelkeeda helo xaquuqda arrintaasi ka dhalanaysa, sidaasoo ay tahay ma jirto ama waa wax aad u kooban, xuquuq ay shaqaaluhu ka helaan wasaaradda.

Ma badna dhalinyarada waxbaratay ee heshay fursado shaqo, nidaamka shaqa helidda ayaa weli ku tiirsan habka qabyaaladda iyo nin tooxeysiga.

Tani iyo bu-burkii dowladdii kacaanka ma jirin wasaarad u istaagtay in ay diiwaangeliso shaqaalaha ka tirsan xarumaha gaarka loo leeyahay, waa markii ugu horreysay oo arrintan lagu dhaqaaqo, laakiin in laga dhabeeyo dhaqangelinta arrintan ayey dad badan shaki ka keenayaan, sababtoo ah khorshayaal badan oo wasaaradaha dowladdu ay soo bandhigeen ayaan weli illaa iyo hadda soo dhaafin halkii lagu yiri.

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar)