U bood dhigaalka

Diiyarad Nooca Loo Yaqaan Drone-ka Oo Kusoo Dhacday Gobolka Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarad nooca loo yaqaan Darone-ka gaar ahaan kuwa wax basaasa ay ku dhacday duleedka deegaanka Baladul Amiin ee gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaankan ayaa qiyaastii waxa uu 30-km u jiraa degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose,waxaana la sheegay in halka ay ku dhacday ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa laga sheegay in xilliyada soo aadan ay soo bandhigi doonaan diyaaraddan oo ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan.

Lama oga dalka laga leeyahay diyaaraddan, hase ahaatee inta badan diyaaradaha noocan ah waxaa adeegsada Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News