U bood dhigaalka

Dil Caawa Ka Dhacay Magaalada Ee Xarunta Gobalka Bari Ee Puntland

Sheeko:Amniga

Waraka caawa laga helayo magaalada Bosaso ee xarunta gobalaka Bari ee Puntland ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubeysan ay bartamaha magaalada ay toogteen  askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee booliska magaalada Bosaso.

Kooxoha oo ku hubeysnaa Basloodo ayaa askariga toogtay waqtigii afurka  ka dib xili uu ku sugnaa suuqa Qaadka lagu iibiyo, ayagoo askariga ku dhuftay dhowr Xabadood  waxaana halkaas ku geeriyooday askarigii. la toogtay..

Askariga la dilay oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ayaa magaciisa lagu soo koobay Xamari, waxaana goobta iskaga baxsaday kooxihii dilka geystay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka askariga,waxaana ay sameeyen howlgallo baaritaano wallow aan dad loo qaban dilkaas.

Goobjoog News