U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay Cabudwaaq iyo Sababta Ka Dambaysay

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil saakay nin  shacab ah loogu gaystay gudaha  magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana wararku ay sheegayaan inuu ahaa dawal gadiidka  Khaadka qaada.

Marxuumka ayaa waxaa dilay nin hubaysay, kadib markii uu muran dhex maray labadooda, taas oo keentay in markii dambe ninku uu xabad ku furo, waxaana lagu magacaabi jiray marxuumka dhintay Fahada Farabadane.

Waxaa uu ahaa darawalka baabuurta khaadka qaada, waxaana uu ka baxay magaalada Cabduwaaq isaga oo ku sii jeeday magaalada Gurceel isla gobolka Galgaduud, waxaana  uu siday khaad uu ka aaday degmada Cabdudwaaq.

Goobjoog News