U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay Galgaduud iyo Faahfaahin Laga Helayo

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dil saaka waabarigii ka dhacay deegaanka Godiblabe ee oo hoostaga degamada Cadaado ee gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas lagu dilay nin deegaan siweyne looga yaqaanay.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa nin mudo deganaa deegaanka, waxaana lagu dilay  banaanka hore maqaaxi uu lahaa, waxaana toogtay nin isla deegaanka ah, marxuumka la dilay  lagu magacaabayey  Daahir Cabdulle .

Meydka marxuumka la dilay ayaa waxaa la geeyey deegaanka Mareergur, halkaas uu ka soo jeeday , laakiin isagu waxaa mudo dheer deganaa degaanka Godinlabe, sida ay Goobjoog News u sheegeen dadka deegaanka ku sugan.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa uu sidoo kale lahaa maqaaxi ku dhow midda  marxuumka uu dilay, waxaana  ay  ahaayeen dhalyo wadaag, sida ay inoo shacabka , ciidamada amniga ayaana ku guulaystay qabashada dilaaga.

Deegaanka Godinlabe iyo nawaaxigiisa ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil, warar hoose oo aan helayno ayaa sheegayo in dilka dhacay uu ku lug leeyahay aano Qabiil oo ka taagneyd gobolka qeyb kamid ah.

Goobjoog News