U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliiska dowladda federalka ayaa qof shacabka saakay ku dilay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho, dilka ayaa sigaar ah uga dhacay isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Marxuunka la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa nin madaxa  looga jiro, waxaana uu dilka yimid kadib markii isaga iyo askariga dilka geeystay uu muran soo kala dhexgalay , taas oo keentay in askariga uu xabad ku dhufto marxuumka sidaasna uu ku dhintay.

Laamaha ammaanka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa meesha ka qaaday meydka marxuunki la dilay.

Goobjoog News