U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahinno Laga Helayo

Sheeko:Amniga

Koox burcad ah oo la sheegay in ay siteen dharka ciidanka dowladda ayaa wiil dhallinyaro ah ku toogtay habeenimadii xalay xaafadda Nasteexo  ee degmada wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay wararka lagu helayo.

Waxaana warar dheeraad ah laga helayaa sababta keentay in burcad hubeysan ay toogtaan marxuum Axmed Ganey oo kamidd ah ahaa dhallinyarada deganaa xaafadda Nasteexo.

Marxuumka ayaa lasheegay in kooxda burcada ah ay isku dayeen in ay ka ka qaataan Mobile uu watay, balse uu ka dhego adeygay inuu dhiibo Teleefoonka, taas oo dhalisay in ay toogtaan marxuumka.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, ehelada marxuumka oo yimid goobta ayaa qaatay meydka wiilkooda, ciidamada ammaanka degamada ayaa bilaabay howlgal, wolol aan cilna loo qaban dilka  dhacay.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka jira kooxo shacabka ay dhib ku qabaan kuwaas oo xaafadaha ku dhaca shacabka kana qaata Mobilelada, iyagoo mararka qaar dil u geysta dadka shacabka ah.

Goobjoog News