U bood dhigaalka

Dil Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in saaka lagu dilay laba nin oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Ragga la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Dacaar, iyo Cali Gaab, waxa ayna ahayeen laba nin oo ka kala tirsan ciidamada Canshuuraha iyo kuwa Booliiska.

Kooxaha dilak geystay ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay, ciidamada booliiska degmada oo soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaana goobta ka qaaday.

Illa iyo hadda ma cadda kooxa dilka geystay haybtooda, ciidamada dowladda ayaa howl galo ay ku baadigoobayaan ragga dilka ka dambeyay ka sameyay goobta uu dilka uu ka dhacay.

Goobjoog News