U bood dhigaalka

Dil Naxdin Leh: Nin Duleedka Muqdiso Ku Dilay Carruur Uu Waalid U Yahay

Sheeko:Amniga

Waxaa xaafadda Jamacadda Shabeelle ee deegaanka garasbaaleey duleedka Muqdisho ayaa maanta laga helay meydka laba carruur ah kuwaas oo la weysanaa.

Carruurtan oo walaalo ah ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu jiray 5 sano halka kan kale uu ahaa mid ku jira da’da 7 jirka waxa ayna kala ahaayeen wiil iyo gabar.

In muddo ah oo la weysanaa carruurtan meydkooda la helay ayaa la sheegay in dilkoodu uu ka dambeyay adeer kood qabay hooyadood kaas oo hadda laamaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen.

Qaar ka mid ah ehelada carruurta ayaa sheegay in carruurtan la waayay xalay markaas oo dukaan xaafadda ku yaallo adeeg looga diray carruurtaan.

Dilalka iyo falalka arxanka daran ayaa maalmihii la soo dhaafay ku soo badanaya magaalada muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in todobaadkaan bilawgiisa uu nin dagan degmada xamar jajab uu dil u geeystay xaaskiisa oo uu ka waayey lacag uu weydistay .

 

Hoos ka daawo warbixinta ay Goobjoog ka diyaarisay dhacdadaan.

https://www.facebook.com/watch/?v=398068658740688