Dilal Ka Dhacay Degmada Ceel-waaq Ee Gedo

Dilal la sheegay in aano qabiil yihiin ayaa shalay iyo xalay waxay ka kala dhaceen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo sidoo kale deegaan ku dhow degmadaasi.

Labo ruux oo ganacsato ah ayaa la sheegay in lagu dilay halkaasi, iyadoo dilkaasina ay ka dambeeyeen maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulnaa.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Ceelwaaq islamarkaana sababo amni magaciisa uga gaabsaday ayaa Goobjoog News u sheegay in dilka ganacsatadan uu daba socdo dil Todobaad kahor magaaladaasi loogu geystay nin aad loo yaqaannay.

“Dilalkan qaab qabiil ayeey u socdaan, Labo qof ayaa la dilay, waxaana dilkaan uu daba socdaa nin Todobaad kahor lagu dilay isla degmada Ceelwaaq”

Maamulka degmada Ceelwaaq oo aan isku daynay inaan arrimahan wax ka weydiinno ayaan inoo suurtagelin.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW