U bood dhigaalka

Dilal Ka Dhacay Muqdisho iyo Faahfaahin Laga Helayo

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa koox burcad hubeysan oo habeenimadii xalay dad shacab ah ku dilay xaafad ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa wuxuu si gaar uga dhacay xaafadda Xoosh, kadib markii kooxo hubeysan ay toogteen sedex ruux oo kamid ahaa dadka deegaan sida ay sheegayaan wararka soo baxo.

Dilka ayaa yimid kadib markii qolyaha burcada ah ay sedexda ruux ay weydiiyeen Taleefanada gacanta oo ay siteen, waxaana dhacday in ay ka dhago adeygaan in ay dhiibaan, taas oo keentay in ay toogtaan sedexdii ruux.

Kooxdii falka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, ciidamada ammaanka degmada oo soo gaaray goobta uu falku ka dhacay ayaa sameeyey baaritaanno lagu baadi goobayo dadkii falka geystay, mana jiro cid weli loo qabtay falkaas.

Degmada Dharkenley ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhac iyo dilal loo geysto dadka shacabka ah eek u dhaqan degmada, waxaana xiliyada habeenkii ku adag shacabka in ay isaga gudbaan xaadaha degmada.

Goobjoog News