U bood dhigaalka

Dilal Ku Saleysan Aanooyin Qabiil Oo Ka Dhacay Gobolka Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degaanka Bacaadleey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo malleeshiyo beeleed oo degaankaasi wada degta.

Khilaaf iyo muran ka dhex dhashay labada beel ayaa sabab u noqday in labo qof ay geeriyootay oo dilka midka labaad lagu sheegay in loogu aargudayay nin horay degaankaasi loogu dilay.

Degaanka Bacaadleey ayaa hoostada magaalo madaxda gobolka Shabeellaha Dhexe ee Jowhar, waxaana arrintaan ay saameysay adeegyadii bulshada.

Xaaji Cabdulle Caqiil oo kamid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay Goobjoog News in degaanka uu ka jiro dagaal ku saleysan aanooyin qabiil.

Wararka ka imaanaya degaanka ayaa sheegaya in ay jiraan dilal aanooyin qabiil ah oo horay degaanka Bacaadleey uga dhacay.

Xiisadda dagaalka ayaa baqdin gelisay dadka shacabka ahi ee ku nool degaankaasi waxaana la soo sheegayaa in barakac uu ka jiro Bacaadleey.

Maamulka degmada Jowhar iyo kan gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama aynaan hadlin xiisadda u dhaxeysa labada beelood ee wada dega degaanka Bacaadleey ee gobolkaasi.

Goobjoog News