U bood dhigaalka

Dilalka Askarta Ay U Geysanayaan Dhalinyarada Oo Muqdisho Ku Soo Badanaya

Sheeko:Amniga

Markale ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa wiil dhalinyaro ah ku dilay agagaarka Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdiraxmaan oo kamid ah dhalinyarada magaalada ayey ciidamada toogteen xilli uu saarna moota bajaj mareysay agagaarka Isgoyska Zoobe.

Dilka ayaa yimid kadib markii gaari ay la socdeen ciidamada militeriga uu rasaas ku furay wadada xilli ay jirtay saxmad aad u badan.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in markii dambe ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha Kiiskan.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in ay qabtay eedeysanaha kiiska Zakariye iyo Sowdo oo iyaguna habeen ka hor fal noocan oo kale ah loogu dilay Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Dilalka ay ciidamada u geeysanayaan dhalinyarada ayaa maalmihi la soo dhaafay muqdisho noqday kuwa soo noq noqda.

Goobjoog News