U bood dhigaalka

Dilka Guddoomiyihii Degmada Hodan Oo La Sheegay In Uu Ahaa Mid Kas Ah

Sheeko:Amniga

Guddiga dowladda Soomaaliya ay u xil saartay baaritaanka dilkii loo geeystay Allaah U naxariistee Gudoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdi xakiin Dhegajuun.

Xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Genaral Cabdullahi Buulle Kameey oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay baaritaanadii dilka Guddoomiyaha.

Waxa uu sidoo kale xusay in dhawaan loo fadhiisan doono dhageysiga dacwadda

Genaral Kameey ayaa sheegay in dilka gudoomiyaha uu ahaa mid si ula kac ah loo geeystay.
“Baaritaanka guddi baa loo saaray waxaa ay ku soo gabagabeeyen dil kas ah” ayuu yiri Generaal Cabdullahi Buulle Kameey.

Bilawgii sanadkan ayey aheyd markii xilli Habeen ah ciidamo ka tirsan Kuwa Booliiska Soomaaliya oo ku sugan agagaarka Isgoyska degmada Howl-wadaag ay dil ugu geeysteen Gudoomiyihii degmada Hodan Cabdi Xakiin Dhega Juun .