Diyaar Garowga Loogu Jiro Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Cadaado Laga Dareemayo

Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa la filayaa in 4-ta bishan kuna beegan Sabtida soo socota ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo halkaasi laga dareemayo diyaar garow ballaaran.
Qabashada xilka madaxweynaha Galmudug waxaa u taagan musharaxiin dhowr ah, waxaana laga dareemayaa diyaar garowga ay ugu jiraan sidii ay doorashadaasi uga qeyb gali lahaayeen.
Sidoo kale isla maalintaasi waxaa la dooran doonaa ku xigeenka madaxweynaha Galmudug, oo musharraxiin kale ay xilkaasi u taagan yihiin inay qabtaan.
Ammaanka guud ee magaalada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana heegan buuxa ku jira ciidamada ammaanka.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii magaalada Cadaado uu ka furmay shirkaan waxaa laga dareemayay isbedal badan, waxaana magaalada ku sugan shacab, siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed iyo mas’uuliyiin kale.
Ganacsiga guud ee magaalada ayaa isbedal ballaaran galay waxaana taasi u sabab ah dadka badan ee halkaasi gaaray.
Dadka oo idil ayaa waxay sugayaan doorashadaan iyo qaabka ay u qabsoomi doonto, iyadoo maanka lagu hayo hanaankii ay u dhacday doorashadii gudoonka baarlamaanka Galmudug.
Goobjoog News