U bood dhigaalka

Diyaar Garowga Shir Ay Isugu Imaanayaa Dowladda Federaalka Iyo Maamul Gobaleedyada Oo Ka Socda Cadaado

Sheeko:Dalka

Kulan hordhac u ah shir dhamaadka bishan lagu qabanayo magaalada Cadaado oo ay ka qaybagalayaan dawlad goboleedyada ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado.

Shirkani loo diyaar garoobayo waa mid looga hadlayo qorshaha Qaranka islamarkaana ay hogaamineyso wasaarada qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada qorshaynta Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo qaybaha bulshada

Xubnaha kulankan ka qeyb galay ayaa ka hadlay waxyaabaha ahmiyadda u leh Galmudug oo ay doonayso in qorshaha Qaranka loogu daro.

C/raxmaan C/llahi Cumar xoghayaha degmada Cadaado ayaa sheegay inay ka degmo ahaan ay muhiimadda 1-aad siinayaan xoojinta amniga iyo adeegyada bulshada.

Eng C/raxmaan Maxamed Cusmaan wasiir dawlaha qorshaynta Galmudug oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in shirka qorshaha Qaranka ee Cadaado lagu qabanayo ay ka filayaan natiijooyin wax ku ool ah.

Wasaarada Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa wadda diyaarinta Qorshe Qaran oo dalku yeesho muddo dheer ka dib, iyadoo laga tala galinayo dhinacyada ay qusayso.

Goobjoog News