U bood dhigaalka

Diyaar Garowgii Ugu Dambeyay Ee Doorashada Aqalka Sare Oo Socota

Sheeko:Amniga

Waxaa guud ahaan dalka ka socda diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashooyinka dalka oo lagu wado in todobaadkaan ay ka bilawdaan dalka.

Guddiyada doorashada dowlad gobaleedyada ayaa dhankooda wada qorshahii ugu dambeyay iyo qaban qaabada doorashada Aqalka sare oo lagu wado in maalmo ka dib dalka ay ka qabsoomto.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in la xaliyay arrimo badan oo muran uu ka taagna kuwaas oo ay ka mid yihiin arinta gedo iyo tan Somaliland.

Rooble oo xafiiskiisa kulan kula qaatay khamiistii Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa ugu baaqay in si deg deg ah xal uga gaarin arrinta Somaliland.

“Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi”. ayaa lagu yiri qoraal shirka ka dib la soo dhigay barta Facebook-ga ee xafiiska ra’iisul wasaaraha .
Madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada ayaa dhankoda lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gudbiyaan musharixiinta Aqalka sare oo ay doorashadooda beri bilaabmi doonta.
Musharixiin badan ayaa ku sii qul qulaya gobalada dalka halkaas oo ay doorashooyinka golayaasha baarlamaanka intooda badan ka dhici doonto.
Wasiirka koowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa habeen ka hor ugu baaqay in siyaasiyiinta ay aadan deegaan doorashadooda dalka ay ka bilaabatay doorasahada.

 “Waxaan leeyahay siyaasiyiinta Kubadda waxa ay jirtaa Dowlad gobaleedyada magaalada inaad noo faarujisaan ayaan rabna oo gobalada aad aaddaan doorashadi waa bilaabatay yaan la isku mashquulin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

 

Goobjoog News