U bood dhigaalka

Diyaarad Drone Ah Oo Kusoo Dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarad nooca is wada ee loo yaqaano Drone ayaa lagu soo waramayaa inay kusoo dhacday deegaan lagu magacaabo Saddex Xarar ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in diyaaraddan markii ay dhacday ay burburtay.

Al-shabaab ayaa oo maamula deegaanka ay diyaaraddan ku dhacday waxay baraha ay ku leeyihiin Internetka ku sheegeen in ay hayaan burburka diyaaradda sida Kaamirooyinkii ku rakibnaa.

Waxay tilmaameen in saxaafadda ay usoo bandhigi doonaan saacadaha soo aadan burburka diyaaradda Drone-ka iyo qalabka ay hayaan.

Lama oga diyaaradda Drone-ka ah ee soo dhacday cidda leh iyo halka laga soo kiciyey.

Deegaanka Saddex Xarar ee diyaaraddan kusoo dhacday waxa uu qiyaas ahaan 70 KM u jiraa deegaanka Balli-doogle ee gobolka Shabellaha Hoose halkaasi oo xero ciidan ku leeyihiin AMISOM iyo Dowladda Federaalka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News