U bood dhigaalka

Diyaarad Ka Duushay Soomaaliya Oo Shil Ku Gashay Kenya

Sheeko:Dalka

Diyaarad ka duushay Soomaaliya ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka waxay sheegayaan in diyaaradan ay u bixi waayeen cagaha, waxaana saarnaa rakaab u badan Soomaali, iyadoo duuliyihii diyaaradda uu go’aansadey inuu dejiyo iyadoo aan wax cago ah usoo bixin.

Qoraal kasoo baxay maamulka Garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ayaa lagu sheegay in diyaaradda dadkii saarnaa ay badqabaan, balse uu jiro burbur soo gaarey diyaaradda iyo qeyb kamid ah garoonka.

Sidoo  kale waxaa gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidkii hakad la geliyey duulimaadyadii garoonkaasi, iyadoo  loo weeciyey garoomada kale ee Kenya.

Weli lama caddeyn magaca shirkadda leh diyaaraddaasi, sidoo kalena weli faah faahin dheeraad ah ma aaney soo saarin maamulka garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Garoonka Jomo Kenyatta ayaa ah garoon aad u mashquul badan, waxaana ka dega diyaarado badan oo caalamka daafihiisa ka yimaada.

Goobjoog News