Diyaarad Ku Dhacday Garoonka Diyaaradaha Baladweyne

Waxaa goordhow  garoonka diyaaradaha ee magaalda Baladweyne ee gobolka Hiiraan ku dhacaday diyaarad xamuul ah taas oo ay laheyd shirkad lagu magacaabo Bluebird, oo ka duushay garoonka magalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa waxaa ay siday shixnado gargaar ah, oo ku socday dadkii ay saamaysay fatahaadda Baladweyne  waxaana laga lahaa wadanka Jabuuti, diyaaradda ayaa dhacday kadib markii la sheegay in gudaheeda  dab ka kacay.

Diyaaradda oo ku gubanayso gudaha garoonka ayaa waxaan jirin khasaare nafeed oo ka dhashay burburka diyaaradda, waxaana badbaaday duuliyihii iyo caawiyihiisa, ka hor inta aysan diyaarado ku dhicin garoonka.

Goobjoog News

 

 

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW