U bood dhigaalka

Diyaarad Ruush ah oo ay Saaran yihiin 200 oo Qof oo Burburtay

Sheeko:Dalka

Sida ay Xaqiijinayaan hay’adaha amaanka Masar, Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ay saarnaayeen ilaa 200 oo qof ayaa ku dul-burburtay Jasiiradda Sinay ee waqooyi bari dalka Masar.

Dhankooda Mas’uul u hadlay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha waxaa uu sheegay in Diyaaradda ay burburtay isla markaana lagu guda jiro gurmad iyo Gargaar.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Duulimaadka ayaa sheegay  in  Airbus A-321 ayta ka duushay  Sharm el-Sheikh kuna sii jeeday St Petersburg lakin ay ku dul dhacday Sinay, Masar.

Warar kale ayaa sheegaya in diyaaradda ay saaran yihiin 217 rakaab ah iyo 7 shaqaalaheeda ah.