U bood dhigaalka

Diyaarada Kusoo Dhacday Garoonka Aadan Cadde Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo garaya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay goor dhow kusoo dhacday diyaarad nooca yar yar ee loo yaqaan Jet, taasi oo kasoo kacday sida la tilmaamay Balidoogle, Shabellaha Hoose.

Qof ku sugan garoonka Aadan Cadde ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in diyaaraddan oo damacsaneyd iney soo degto ay dhacday, dabna uu ka kacay, haatanna kooxa dabdamiska ay ku mashquulsan yihiin daminteeda.

Sidoo kale goob joogahan ayaa inoo sheegay in diyaaradda ay la socdeen Saddex ruux, balse khasaaraha dadkaasi soo gaaray lama shaacin.

Weli lama shaacin diyaaradda shirkadda leh iyo dadka la socdey waxay ahaayeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News