U bood dhigaalka

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyay deegaanka Kudhaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa duqeyn soo noq noqotay waxay ka geysteen deegaanka Kudhaa ee gobalka Jubada Hoose, waxaa halkaasi ka dhashay qasaare dhimaho iyo dhaawac isugu jirta.

Diyaaradahan oo duqeyntan geystay xalay iyo shalay gelinkii dambe ayaa bartilmaameed ka dhiganayey goob ay fariisin u ahayd ciidamada Xarakada Al-shabaab, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha maamulka KMG ee Jubba.

Saraakiisha ayaa sheegay in halkaasi ay ku dileen 60 ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab, sidoo kalena ay gaadiid badan ka bur buriyeen waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sdioo kale saraakiishan Waxay sheegeen in saacadaha soo aadan ay ku haminayaan inay dib ula wareegaan deegaanka Kudhaa oo maalin kahor dagaal ay ku qabsadeen Al-shabaab.

Dhanka kale wariyaha Goobjoog Fm ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiintii deegaanka Kudhaa, xilli duqeyn ay dhacday.

Hallkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News