U bood dhigaalka

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Deegaanno Ka Tirsan Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa sheegaya in goor dhaw diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaanno ka mid ah gobalkaasi.

Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaanka Buurcarro iyo deegaanno kale oo ku dhaw degmooyinka Beladxaawo iyo Bardheere.

Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaan iyo sidoo kale cidda ay bartilmaameedsanayeen diyaaradahan.

Dhowr jeer sidaan oo kale diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeyn ka geystay gobolka Gedo, waxaana waxyeello ay kasoo gaartay dad shacab ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News