U bood dhigaalka

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Duqeyn Ka Geystay Deegaanno Ka Tirsan Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaanno gobalkaasi ka tirsan.

Diyaaradahan oo joog hoose ku socday ayaa la xaqiijiyay inay duqeyn xooggan ka geysteen deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Ceelwaaq iyo Baledxaawo, halkaasi oo ay ku dhaqan yihiin dad u badan xoolo dhaqato.

Duqeyntaan waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, balse weli lama xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.

Dadka xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan gobalka Gedo ayaa cabasho badan ka muujiyay diyaaradaha Kenya ee duqeynta ka geysta deegaanadooda.

Kenya ayaa sheegta in duqeymahaasi ay la beegsaneyso Xarakada Al-shabaab, inkastoo waxyeellada ugu daran ay soo gaarto dadka shacabka ah.

Goobjoog News