U bood dhigaalka

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn ka geystay gobalka Jubada Hoose (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

DuqeynDiyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa maanta waxay maanta duqeyn ka geesteen deegaano ka mid ah gobalka Jubada Hoose, kuwaa oo qasaare geystay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahaan ay duqeeyeen deegaano u dhaxeeya magaalada Kismaayo iyo deegaanka Siinka dheer, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen Laba qof oo Reer Miyi ah, sidoo kalena waxaa halkaasi ku baaba’ay xoolo badan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halka ay wax ka dhaceen ayaa Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen Wiil iyo Gabar dhalinyaro ah, islaamarkaana Xoolo raacayay.

Maamulka KMG ee Jubba iyo sidoo kale saraakiisha AMISOM ee ku sugan Kismaayo kama aysan hadlin duqeyntaan, maadaama ciidamada Kenya ay AMISOM ka mid yihiin.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News