U bood dhigaalka

Diyaaradaha Dagaalka Kenya Oo Maanta Duqeeyay Deegaanno Ka Tirsan Gedo

Sheeko:Dalka

Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa maanta duqeyn ka fuliyay deegaanno ka mid ah gobalka Gedo, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in diyaaradahaan ay dhowr gantaal ku dhufteen deegaannada Daar Macallin iyo Cabdi Afeey kuwaasi oo ku dhaw degmada Baadrheere ee Gedo.

Qoysas xoolo dhaqato ah iyo xoolahoodii ayeey waxyeello kasoo gaartay duqeyntaan, illaa iyo haatanna lama oga khasaaraha guud inta uu la egyahay.

Diyaaradaha Kenya ayaa wixii ka dambeeyey weerarkii deegaanka Ceelcadde waxay xoojiyaan duqeynta ay ka geysanayaan deegaanno ka mid ah gobalka Gedo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News