U bood dhigaalka

Diyaaradaha Kenya Oo Laayey Caruur Isku Qoys Ah

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya tuulada Ilaalo ayaa sheegaya in goordhaw ay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyn ku dileen afar caruur ah oo isku qoys ah.

Wararka waxaa aintaa ku darayaan in diyaaradahaasi ay halkaas duqeyn ka wadaan maalintii labaad, khasaaraha ayaa intaa ka badan.

Tuulada ay duqeynta ka dhacday ee Ilaalo waxaa ay degmada Ceel-waaq u jirtaa ilaa 50 KM, waana gobolka ee Koofura Soomaaliya.

Diyaaradaha Kenya ayaa duqeyn ka wada gobolka Gedo, Kenyaanka waxaa ay ku marmarsiyoodaan duqeynta Alshabaab laakin waxaa ay laayaan shacabka ku dhaqan deegaanka.

wixii faahfaahin kala soco, Goobjoog News