U bood dhigaalka

Diyaaradaha Kenya oo Lagu Eedeeyey In Ay Duqeymo Ku Dishey Carruur Dugsi Qur’aan Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo xiriir lasoo sameeyey Goobjoog News ayaa dowladda Kenya ku eedeeyey in ay duqeysey meelo ay degenyihiin dad rayid ah, halkaasi lagu diley carruur dugsi dhiganaysay.

Nabadoon Idris Aadan oo ka mid ah odayaasha Balad Xaawo ayaa sheegey in meelaha duqeymaha ay ka dhaceen lagu kala magacaabo Laan Qurac iyo Nus Dariiq oo u dhaxeeya deegaanka Dhamas iyo Balad Xaawo, halkaasi ciidamada ay duqeeyeen dugsiyo qur’aan.

“Mid ka mid ah xaafadaha dugsiyada leh waxaa ku dhintey 10 qof oo carruur dugsi dhigata, xaafadana kalana nalooma soo sheegin” ayuu yiri oday dhaqameedka.

Goobjoog ma xaqiijin karto sheegashada odayga, mana jirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Kenya toona.

Horey duqeymo noocan oo kale ah oo Kenya ay geysatay ayaa waxaa naftooda ku waayay dad rayid ah, waxaana inta badan duqeymaha lala beegsadaa saldhigyo ay ku suganyihiin dagaalyahanada Alshabaab oo iyagu sheegta mas’uuliyadda weeraro ka dhaca gudaha dalka Kenya.

Goobjoog News