U bood dhigaalka

Diyaaradaha Ruushka Oo Duqeyn Ku Dilay 43 Ruux Dalka Siiriya

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 43 ruux ayaa lagu dilay 100 kalena waxaa ay ku dhaawacmeen weeraro xiriir ah oo la sheegay in ay dalka Siiriya ka fuliyeen diyaaradaha dagaaalka Dalka Ruushka.

Sida uu baahiyay Tv-ga Al Jazeera weeraradan  xooggooda waxa ay ka dhaceen gobolka Idlib.

Kooxda difaacayaasha rayidka Siiriya ayaa warbaahinta u sheegay in shalay oo Sabti ahayd Ruushku uu bartilmaameed ka dhigtay magaalada Maarat Al-Numaan,  oo 290-km dhanka waqooyi ka xigta magalada Dimishiikh ee caasimada dalka Siiriya.

Kooxdan difaacayaasha rayidka Siiriya ayaa sheegay in ay la tacaalayaan dhaawacyada in kabadan 150 dhaawac uu ka soo gaaray duqeynta ruushka.

Kooxda xaquuqul Insaanka dalka Siiriya ee saldhigoodu yahay dalka UK ayaa tirada dadka lagu dilay duqeyntii ugu dambeysay ku qiyaasay 39 ruux.

Duqeynta ka dhacday Maarat Al-Numaan, waxaa lala beegsaday xabsi ay koontoroosho kooxda Al-Nusra iyo maxkamad ku taalla magaladaasi.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda dalka Siiriya Walid Al-Muallem ayaa u sheegay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Siiriya Staffan de Mistura in dowladiisu ay diyaar u tahay in ay la fadhiisato mucaaradka gaar ahaan wadahadalada lagu wado in ay ka dhacaan Geneva  January 25.

Goobjoog News