U bood dhigaalka

Diyaaradaha Sacuudiga Oo Laayay Muwaadiniin Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in ay duqeyn diyaaradaha Sacuudiga ay ka geysteen halkaasi ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Gantaal ayaa la sheegay in uu ku dhacay guri ay ku sugnaayeen muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, waxaana halkaasi ku dhintay Lix qof sida uu Goobjoog News u xaqiijiyay mid ka mid ah muwaaidniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ka badbaaday.

Sidoo kale waxaa jira dad ku dhaawacmay weerarkaasi, waxaana halka duqeynta ay ka dhacday la sheegay in ay ka dhawaayeen kooxda xuutiyiinta ee Yemen dagaallada ka wada.

“Dadka Soomaaliyeed ee dhintay Hal guri ayeey ku sugnaayeen, waxaa ku dhacay Gantaal, waxaana meesha ku dhimatay Lix qof, kuwo kale ayaa dhaawac ah”

Dhinaca kale magaalooyin ka mid ah dalka Yemen waxaa ku go’doonsan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan in ay helaan gurmad degdeg ah si noloshooda loo soo badbaadiyo.

27-kii April ee isla sanadkaan diyaaradaha dagaalka Yemen ayaa duqeyn ku laayay in ka badan 40 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo naftooda baxsad la ahaa.

Goobjoog News