U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahaayeen J/hoose

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa duqeyn habeen kahor ka geystay deegaanka Yoontoy oo qiyaastii 25-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose.

Waxay diyaaradahani bartilmaameedsanayeen saldhigyo ay ciidanka Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana la sheegay in duqeyntan ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootay 10 qof oo Seddax shacab ah ay ku jiraan iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Goobjooge ku sugan deegaan ku dhow deegaanka Yoontoy islamarkaana dalbaday in magaciisa aan la baahin ayaa inoo sheegay in ay arkeen diyaarado si lama filaan ah dhowr gantaal ugu tuuraya halkaasi.

Al-shabaab weli kama aanay hadal duqeyntan iyo sidoo kale khasaaraha kasoo gaaray.

Diyaarado dagaal ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay duqeyn ka geysanayeen deegaanno ka mid ah gobolka Jubada Hoose.

Goobjoog News