U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Baay Iyo Jubbada Dhexe

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanno ka mid ah gobollada Baay iyo Jubbada Dhexe.

Diyaarado dagaal ayaa Labo gantaal ku dhuftay saldhig la sheegay in Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo-fulay ee gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Duqeyntan waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada sida gaarga u tababaran ee DFS iyo Al-shabaab, lamana oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Dhanka kale, diyaarado dagaal ayaa la sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan ayaa lala eegtay sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, kaasi oo lagu magacaabayey Macalin Ibraahim Abuu Xamsa, ahaana madaxii isku xirka Al-qaacida iyo Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkaasi uu dhintay, lamana hayo faah faahinno intaan ka badan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News