U bood dhigaalka

Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Geystay Degmada Jilib Ee Gobolka Jubada Dhexe

Sheeko:Dalka

Diyaarado dagaal oo la rumaysan yahay in laga  leeyahay dalka Maraykanka ayaa  duqeymo ka gaystay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe iyo deegaanno ku dhaw degmadaasi.

Duqeymahan ayaa siyaabo kala duwan u dhacay, waxaana wararku ay tilmaamayaan in diyaaradahan ay dhulka la simeen saldhigga degmada Jilib oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ka degeen degmada Jilib halkaasi oo ay howlgallo kasoo sameeyeen.

Saraakiil u hadashay AMISOM islamarkaana ku sugan magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyey in duqeymahani ku dileen saraakiil sarsare oo ka mid ah Al-shabaab, balse tiro iyo magacyo intaba ma aanay sheegin.

Deegaanno duleedka ka ah degmada Jilib waxaa lagu arkay Meydadka illaa Lix ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Dowladda Federaalka weli war rasmi ah kama aanay soo saarin duqeymahan ka dhacay gobolka Jubada Dhexe, sidoo kalena Al-shabaab kama aanay hadal arrinkaasi.

Dhowr saldhig oo Al-shabaab ku lahaayeen qaar ka mid ah gobollada dalka ayaa sidaan oo kale waxaa duqeyn ugu geystay diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Maraykanka.

Goobjoog News