U bood dhigaalka

Djibouti: Diyaaradda Uu Fahad Lasocday,  iyo Rakaabka Saaran Dib Ayaa Loogu Celin Turkiga.

Sheeko:Amniga

Maxamuud Yuusuf wasiirka arrimaha dibadda Djibouti ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradda Turkish Airline aaney Muqdisho iman sababo la xiriira cilad heshay.

Wasiir Yuusuf ayaa wararka ku saabsan Fahad Yaasiin ku sheegay kuwoo aan sal iyo raad laheyn, oo laga badbadiyey, waxaa uuna intaas raaciyey in diyaaradda iyo rakaabka saaran ay dib ugu noqon doonaan Turkiga si diyaarad kale usoo qaataan.

Arrintan ayaa imaaneysa kadib saacado uun markii Villa Somalia ay sheegtay in Djibouti hakisay diyaarad uu la socday lataliyaha Farmaajo Fahad Yaasiin iyada oo ku hanjabtay in wixii ka yimaada ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto.

 

GOOBJOOG NEWS.