Djibouti: Maxaa Kala Socotaa Doorashada Baarlamaaniga Ah Iyo Guud Ahaan Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Saldhigyada?

Bishan Febraayo waxaa dalka Djibouti ka dhacaya doorasho baarlamaani ah, axsaab kala duwan ayaa ku tartami-doonta 65 kursi uu golaha ka kooban yahay, waxaana markii ugu horeysay lagu wadaa in ay soo galaan 16 hablood oo u dhiganta 25% halka kan hadda ay jira ay haweenka yihiin 10%.

Baarlamaanka hadda jira oo la doortay 2013-kii, muddadii uu jiray waxaa uu meel-mariyay illaa 220 Mashruuc oo isugu jira, waxbarashada, caafimaadka iyo wanaajinta maamulka, waxaa kale oo la meel-mariyay in haweenka helaan kooto dhan 25% halkii ay ka hesyteen 10%.

Dalka Djibouti, Waa doorasho baarlamaani ah tii 8aad, 2013-kii doorasho ay ka qeyb-galeen axsaabta kala ah:  (UMP), (USN)  iyo (CDU)  waxaa kuraasta ugu badan helay xisbiga madaxweyne Ismaaciil  Cumar Geelle ee UMP, dalkaasi inkasta oo nidaamka axsaabta badan la bilaabay 1992-di, Laakin inta doorasho xalaal ah ka dhacday waa yar-tahay.

Dhaqaalaha:

Djibiouti waa dal yar, tiro ahaan waa 942,333 oo qof, dadkiisa 23% waa fuqaro,  Djibouti waxaa uu ku tiirsan yahay lacagaha ajnabiga sida maal-gelinta shisheeye ee tooska ah iyo kirada ay ka qaataan saldhigyada kala duwan ee ajnabiga ku leeyahay. Sida ay uu qoray Bangiga adduunka GDP Djibouti waxaa kor u kac sameeyay 2017 oo waxaa uu gaaeay 7.1 boqolkiiba halkii 2016-ka uu ka ahaa 6.5.

Siyaasadda Djibouti:

Dalka Djibouti waxaa madax ka ah Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo xilka hayey tan iyo 1999-kii, 70 jirkan dartiis ayaa loo badalay dastuurka 2010-kii kadib markii uu ka dhammaaday muddaddii sharciga ogolaa ee 2da jeer, xitaa doorashadii 2011-kii dhacday waxaa uu sheegay in xilligii ugu dambeysay ay tahay balse waa uu ka baxay oo waxaa markii 4aad la doortay April 2016-kii.

Waa madaxweynihii 2aad ee soo mara dalka Djibouti tan iyo xuriyaddii 1977-dii, oo waxaa uga horreeyay adeerkiisa Xasan Guuleed Abtidoon kaas oo dalka maamulayey 1977-1999-kii.

Sidaasi ay tahay, reer galbeedka kuma dhib-qabaan, dalkaasi waxaa saldhigyo ku leh Mareykanka oo 2,000 oo askari u joogaa saldhigga Lemonnier, waxaa kale dekadda isticmaalo NATO.

Saldhigyada shisheeye Ee Djibouti:

Saldhigga  “Lemonnier” ee dalka Mareykanku ku leeyahay dalka Jabouti waxaa ku nool 4 kun oo askari, waxaa la aasaasay 2001,  saldhiggan ayaa dantii ayaa dantii loo furay waxay ahayd in lagu xoojiyo  joogintaan Mareykanka ee  geeska Afrika, waxa uu saldhiggan si gaar ah ugu adeegaa howlaha la dagaalanka argagixisada ee laga fulinayo gudaha Soomaaliya iyo Yemen.

Saldhiggan oo ku yaalla meel u dhawo Airportka caalamiga ah ee dowladda Jabouti, waxaa kale oo uu qabtaa tababar siinta ciidamada howlgallada gaarka ah ee Afrika, sandkii 2014 ayaa mar kale, heshiiska kirada dhulka saldhigga dib loo cusbooneysiiyay  oo Toban sanno oo dheeraad ah loogu kordhiyay,  iyadoo mudadaa dhulka looga kireeyay 63 milyan oo dollar sanadkii.

Saldhigga Faransiiska; Marka aan eegno saldhigga Faransiika ee dalka Jabouti isna waa saldhigga labaad ee ugu xooggan ka dib Mareykanka, waxaa kale oo lagu tiriyaa inuu saldhigani yahay kan ugu wakhtiga dheer dalka Faransiiska marka loo eego qaaradda Afrika, saldhiggan ayaa 100 sanno u furan dalka Faransiiska, waxaa daggan 900 ciidan faransiis ah, sanadkii waxay bixiyaan 34 milyan oo dollar oo ah kirada dhulka saldhigga.

Dalka Japan ayaa isna saldhigga ay Jabouti ku leeyihiin u yahay kan kaliya ee ay ku leeyihiin dunida inteeda kale, waxaa la dhisay 2011, waxaa daggan 600 ciidan ah, waxaana laga qaadaa kiro dhan 30 milyan oo dollar sanadkii.

Talyaaniga, ayaa  sidoo kale isna waxa uu saldhig ku leeyahay dalka Jabouti, waxaa la aasaasay sanadkii 2013, waxa uu saldhiggani qaadi karaa 300 oo askari, waana saldhigga kaliya ee Talyaanigu ku leeyahay meel ka baxsan xuduudda dalkiisa, waxa uu saldhiggani  caan ku yahay magaca “Xarunta hawlgallada Logistics”, waxa uu dhulkaasi ku kireysan yahay 34 milyan oo dollar sanadkii, hadda saldhiggan waxaa ka howlgala 90 askari oo kaliya.

China ayaa dhamaadkii 2016-kii,  waxay heshiis la gaareen dowladda Jabouti kaas oo ku saabsanaa in loo ogolaaday saldhig ay ka sameystaan dalka Jabout, waxaa ka howlgali doona ugu yaraan 10, 000 oo askari, sanad kasta 20 milyan oo dollar ayaa ay bixin doonaan kirada dhulka, waxa uuna heshiiskaaasi soconayaa muddo 10 sanno ah.

Sucuudiga; dowladda Sucuudiga ayaa iyaguna dhankooda ku talo jira iney saldhig ka sameystaan dalka Jabouti, dalka Sucuudiga ayaa dano ka leh dalka Yemen sidaa darteed waxa uu aad ugu baahan yahay saldhigaa muhiimka u ah howlgaladiisa dhanka Yemen.

Kireynta saldhigyada ciidamada shisheeye dalka Jabouti waxay u tahay il dhaqaale oo aad u muhiim ah waxaana sanad kasta ka soo gala dowladda lacago ku dhow 160 Milyan oo dollar.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW