U bood dhigaalka

Djibouti: Waa Maxay Sababta Warmurtiyeedka IGAD aan Looguba Xusin Ashtakadii Villa Somalia?

Sheeko:Amniga

Shirkii aan caadiga aheyn ee IGAD ee 20-kii bishan ka dhacay Djibouti, waxaa kasoo baxay warmurtiyeed aan loogaba hadlin astakadii ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya ee la xiriiray xadka.

War murtiyeedka waxaa qeybta Soomaaliya looga hadlay doorashada, amniga iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa uu u qornaa sidan:

  • Waxaa lasoo dhoweeyey heshiiskii September ee doorashada ay ka gaareen madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada
  • Waxaa loo baaqay dhinacyada in laga shaqeeyo dhaqan gelinta heshiiska, gaar ahaan in la xaliyo guddiyada muranka dhaliyey qaab la tixgelinayo heshiiskii Dhuusamareeb, lana qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda.
  • Waxaa la ammaanay guulaha ammaanka ee ciidamada Soomaalida iyo AMISOM ka gaareen la dagaalanka Al-shabaab.
  • Waxaa la ammaanay wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo kaalinta gobolka ee arrinkaas la xiriira.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka hadlayey shirka IGAD ee kusoo gabagaboobey Djibouti ayaa sheegay in IGAD ay guddi u saareyso xiisadda xadka ee Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka oo arrinkan ka hadlayey ayaa yiri” “Tan ugu culus uguna muhiisan waxaa ay aheyd jabhadda lagu soo  abaabulay dalka Keynya dhaxdiisa sida aan ka warqabno oo xuduudda dhinaceeda kale ku aabulan, taas oo IGAD ay go’aan ku gaartay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro, guddigaasna uu arrintaas soo baaro iyo arrimaha kale ay Soomaaliya ay tabanayso waa kuwa lagu xallin karo sida ay u kala weeyihiin oo lagu xalin doono Diplomatic Channel, laakiin arrinkaas ku saabsan Xuduudda taas waxaa ay aheyd mid aan rabnay in marka hore laga wada hadlo intaaan loo gudbin wax kale”.

Goobjoog News