U bood dhigaalka

Donald Trump: Kumanaan Muhaajiriin ah ayaan Tarxiilayaa Haddaan Ku Guuleysto Doorashada

Sheeko:Dalka

Musharxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo in la dhiso nidaam raadraac ah oo lagu tarxiilayo dadka muhaajiriinta sharci darrada ku joogin dalka Mareykanka ee uu ka dhacay fiisihii dal ku galka Mareykanka isagoo ballan ku qaaday inuu tarxiili doono muhaajiriinta dambiyada waaweyn gala.

Trump ayaa dhaleecayn xooggan kala kulmay siyaasaddiisa ku aaddan muhaajiriinta oo mararka qaar u ekaata mid isburineysa. Laakiin waxa uu markan ka  faa’ideystay hadal jeedin uu ka sameeyay magaalada Des Moines ee gobolka Iowa, habeenimadii xalay, isagoo faahfaahin ka bixiyay siyaasadiisa dhanka muhaajiriinta.

Trump Waxa uu yiri;” Waxaan ka shaqeyn doonaa inaan dhiso Darbi weyn oo dhanka xuduudda ah, waxaan kaloo sameyn doonaa nidaam elektaroonig ah oo lagu ogaanayo dadka muhaajiriinta ah ee shaqada ku habboon ee shaqeysan kara guud ahaan waddanka, muhaajiriinta sharci darrada ahna waxaan u diidi doonaa iney helaan deeqaha bulshada la siiyo oo ay dowladdu bixiso, waxaan kale oo aan horumar ku sameynayaa nidaam lagu xakameeyo soo galista iyo ka bixista dalka Mareykanka, dadka wakhtigooda joogistu uu dhamaadana si degdeg ah ayaa loo celinayaa”.

Trump ayaa loollan adag kala kulmaya Hillary Clinton oo hadda kaga horreysa ra’yi ururuinta codbixiyeyaasha Mareykanka iyadoo aan la ogeyn sida ay wax isku bedeli karaan dabayaaqada sanadkan oo loo ballan san yahay doorashada madaxtinimo ee dalkaas.

Goobjoog News