Donald Trump: Mexico Waxaa Ay Bixin Doontaa Lacagta Darbiga

Murashaxa jamhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegayaa in dalka Mexico uu bixin doono lacagta ku baxeysa darbi uu sheegay in uu ka dhisayo inta u dhaxeysa Mexico iyo Mareykanka haddii uu guuleysto.

Trump oo taageerayashiisa kula hadlayey Arizona  ayaa waxaa uu sheegay in xadka uu xeri doono isla markaana uu ceyrin doono dadka sharci la’aanta ku jooga Mareykanka.

Saacado ka hor, waxaa uu Trump la kulmay madaxweynaha Mexico, labada dhinac waxaa ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, xitaa Donald Trump waxaa uu ammaanay dalka Mexico iyo dadka degan, taas oo ka duwan hadal uu horay u sheegay.

In kasta uu Donald Trump inkiray in labada dhinac ka wada hadleen arrimo darbiga la xiriira hadana madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto waxaa uu sheegay in dalkiisa aanu dhisi doonin wax darbi ah.

Trump waxaa uu dalkaas ka musaafurin doonaa ilaa 11 Milyan oo warqado la’aan ah.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW