U bood dhigaalka

Donald Trump Oo Taageerayaashiisa Ugu Baaqay In Clinton ka hor istaagaan Madaxtinnimada

Sheeko:Dalka

Donald Trump ayaa lagu eedeeyay in dadka ku dhiirigelinaayo qalalaaso iyo dhib in ay geystaan kadib markii taageerayaashiisa xagga qoryaha in la qaato aaminsan uu ugu baaqay in Clinton ka hor istaagaan in ay madax ka noqoto dalka Mareykanka.

Trump oo ka hadlayey North Carolina ayaa sheegay Jamhuuriyiinta taageersan in qoryaha la qaato ay ka hor istaagaan in ay Clinton madax noqoto.

Todobaadkan waxaa uu Trump u ahaa todobaad aad u xun, waxaa garabkiisa ka baxay dad badan oo ka tirsan madaxda Jamhuuriga ah, kuwaas oo diiday in ninkan uu matalo doorashada November.

Goobjoog News