U bood dhigaalka

Donald Trump: Soomaali badan oo Qaxootiga Reer Minnesota Ah Waxay Isku Dayeen Ku Biirista Daacish

Sheeko:Dalka

Donald Trump oo ah ninka lagu wado in sanadkan u tartamo madaxtinimada dalka Mareykanka oo Isniintii ka hadlay dilkii Florida ka dhacay ayaa weeraray diinta Islaamka isagoo soo qaaday in muslimiinta Mareykanka ay Khatar ku yihiin dalkaasi iyo jiritaankiisa.

“Soomaali badan oo Qaxootiga reer Minnesota Ah Waxay Isku Dayeen Ku Biirista Daacish, Dadkii Boston qarxiyay waxaa ay dalkan ku yimaadeen Magan galyo doonnimo iyo ninka dilka San Bernandino geystay waxaa uu ahaa nin waalidkii Qaxootinnimo dalka uga yimideen Pakistaan” sidaa waxaa sheegay Trump.

Donald Trump waxaa uu taageerayaashiisa sidoo kale u sheegay in Muslimiinta mayalka adag ay ku soo socdaan xeebaha Mareykanka, looba baahan yahay in arrinkaas tilaabo laga qaado.

Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga waxaa uu sidoo kale weeraray siyaasadaha Hillary Clinton oo u tartameysa Dimoqoraadiga isagoo ku dhaleeceeyay in ay rabto hub ka dhigis ay ku sameyso Mareykanka si loo gowraco.

Hadalka Donald Trump waxaa uu imaanayaa kadib markii Axaddii Florida lagu dilay 49 qof.

Goobjoog News