U bood dhigaalka

Dood: Sare u qaadista hufnaanta Hanaanka Doorashada iyo sida looga hortagi karo khilaafadka Doorashada

Sheeko:Amniga

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ay si wadajir ah u soo agaasimeen EISA iyo Goobjoog News ayaa looga hadlay kor uqaadista hufnaanta hanaanka doorashada iyo khilaafadyada dhaca xilliyada doorashada.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti Sharaf ay ka mid yihiin Xildhibaan Fowziya Xaaji Adan, Cabdi Axmed Maxmed Baafo wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya, Marwa Sahra Maxamed Axmed oo ka socota ururada haweenka, Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka iyo Prof Xasan Sheikh Cali oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed.

Xildhibaanad Fowziyo xaaji adan oo ugu horeyntii madasha ka hadashay ayaa sheegtay in dalka ay mudda dheer ugu dambeysay doorasho xor iyo xalaal ah, cabsida iyo khilaafadka jira ay sal u tahay doorashada dad ban ee dalka ka dhaceyso.

“Soomaaliya horta waxaa doorasho sax ah oo qof iyo cod ah ugu dambeysay mudda dheer, 50 sanadood in ku siman, mudadii hadda doorashada la qabanaayay laga soo bilaabo waqtigii sheikh shariif illa manta waxaa lagu jiray doorasho dadban, khilaafaadka la hadal hayo ee mar walba laga walwalsan yahay iyo walaac waxaas oo dhanna waxaa sal u ah doorashadaan dadban”ayeey tiri xildhibaanada fowziyo xaaji aadan.

Xildhibaanad Fowziyo ayaa sidoo kale hadalkeeda intaas ku sii dartay in dadka loo baahan yahay in ay siyaasad ahaan qaan gaaran, dalkana laga qabto doorasho qof iyo cod ah.

“Doorashada qof iyo codka ah ee aan rabno waa doorashada laga qabto dalalka ay dagaalada ka dhacaan, loomana baahna in ay dalka oo dhan ka dhacaan” ayeey tiri xildhibaanada fowziyo xaaji aadan.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya Axmed Maxamed Baafo oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay sanadkaan rajeynayaan in madaxweynaha la doorto dalka uu gaarsiin doono doorosho qof iyo cod ah si dadka ay u helaan xaqqooda muwaadininimo.

“Waxaan Rajaynayaa In doorahada Afsiyooni ka dhaceysa  uu ku soo baxo Madaxweyne dalka gaarsiiya Qof Cod ah”.ayuu yiri Wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya Axmed Maxamed Baafo.

Wasiir Baafo ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caqabada badan ay hortaagan yihiin guddiga doorashooyinka loona baahan yahay in ay madax banaanadaan.

“Marka la fiiriyo qabadaha uu ku shaqeynayo guddiga doorashada ma muuqato weji uu ku madax banaanaan karo”, ayuu yiri Wasiirkii hore ee beeraha soomaaliya Axmed Maxamed Baafo.

Dhinaca kale Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sheegtay in doorashooyinka dalka ka dhaca ay kulduman yihiin haweenka Soomaaliyeed, xilli ay xustay in dhaqan Soomaalida uusan muhiim gaar ah siinin dumarka.

” Waaqaca aan ku noolnahay gabdha muhiim uma ahan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaan”, ayeey tiri Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Maandeeq ayaa intaas hadalkeeda raacisay in loo baahan yahay cadaalad “Soomaalida oo dhan waxaa deeqda Cadaalad haddii ay u arkaan system-ka ay ku shaqeynayaan in uu yahay mid cadaalad ah” ayeey tiri Maandeeq Xaaji Cilmi oo ka socotay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Marwa Sahra Maxamed Axmed oo iyadu ka socotay ururada Haweenka ayaa sheegtay in caqabada fara badan ay horay uga heysteen in ay gabdhaha siyaasadda iyo howlaha bulshada wax ka qabtan balse markii ay dhalinyarada wax baratay ay fududaatay in ay ay caqabadihii ka yaraadan.

“ Annaga ka Urur bulsho ahaan caqabada badan oo inaheeysan jiray ayaa naga dagay, taasna waxaa keenay dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay” Marwa Sahra Maxamed Axmed.

Sahra ayaa sidoo kale sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed aysan niyadda iska dillin oo xaqooda loo soo dhinicinayo mar walba.

“ Gabdhaha Soomaliyeed yeeysan niyadda iska dilin, lacagta ayeey ka qeyliyeen boqolkiiba 50% ayaa looga dhigay, kuraastooda ayaa ragga looga celiyay” Marwa Sahra Maxamed Axmed oo iyadu ka socotay ururada Haweenka.

Ugu dambeyn Prof Xasan Sheikh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo hogaan wanaagsan si marxaladda adag looga gudbo.

 “Doorashadaan Haddii aan la helin hoggaan wanaagsan waxa laga yaaba in ay qaaddo waddo qaldan”ayuu yiri Prof Xasan Sheikh Cali.

Aqoonyahan Xasan Sheikh ayaa sidoo kale sheegay in doorashadii 2016 dadka soomaaliyeed ay ka dhuntay fursad balse la rabo in ay hadda ka faa’ideystaan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka luntay afar sanno,waan in ay doortaan Madaxweyne Is badal ku sameeya Dowlanimada dalka”. Ayuu yiri “Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka luntay afar sanno,waan in ay doortaan Madaxweyne Is badal ku sameeya Dowlanimada dalka”.

Goobjoog News

Halkaan Ka Daawo Barnaamijka oo Dhameeystiran