U bood dhigaalka

Dood Wadaag ku aadan sare u qaadista ka qeybgalka haweenka ee Doorashada 2021

Sheeko:Amniga

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay dood cilmiyeed ay si wadajir ah u soo agaasimeen EISA iyo Goobjoog News ayaa looga hadlay Dhiiragelinta Haweenka Musharaxiinta ah iyo Sare u qaadista ka Qeybgalka Haweenka Doorashada 2021. Ayaa hada socota

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Marti Sharaf ay ka mid yihiin Ugaas Daahir Dhag-naas oo ka mid ah odayaasha dhaqanka, Ugaas Maxamed Bashiir oo isna ka mid ah odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada BJFS, Muna Xasan Maxamed oo iyado sanadkaan u tartameysa xilka xildhaabino ee Golaha shacabka iyo Murashax xildhibaan Mako oo iyadana ka mid ah musharixiinta sanadkaan baarlamaanka u dartamaya.

Odayaasha dhaqanka ayaa bilawga dooda waxa ay sheegen in Haweenka sanadkan ay ku dadaalayaan sidii ay ku soo bixi lahayeen loona ilaalin lahaa qoondadooda.

Ugaas Daahir Dhag-naas ayaa sheegay in loo bahan yahay in kuraasta haweenka meel loo dhigo oo aysan cidna ka isku dayin in ay ka dhacdo, isagoo sheegay in odayaasha uu isaga ka mid yahay ay kuraasta gabdhaha ku soo dhaweynayaan.

” Gabdhaha waxaan dhahaya Gabdhaeennow ha is liidinina annaga waan idin soo dhaweyneynaa” ayuu yiri Ugaas Daahir Dhag-naas.

Dhanka kale Ugaas Maxamed Bashiir ayaa sheegay in inta badan gabdhaha ay kuraasta ay ka qaataan ragga, isagoo sheegay in gabdhuhu ay ku dhax dulman yihiin ragga qaba iyo ragga ay ka dhalatay.

” Gabdhaha waxa wax ka boobo waa ragga ay u dhaxday iyo kuwa ay ka dhalatay, gabadha ragga ay ka dhalatay waxa ay yiraahdaan kursigeenna cid kale u geyn meysid, kuwa ay u dhaxdana waxa ay yiraahdaan inaga nagama dhalan, halkaas ayeeyna gabadha ku luntay xaqeedii”.

Marwo Mako oo sanadkan ka mid ah musharixiinta xildhibaanada ayaa dhankeeda ugu baaqday in ay gabdhaha si sax ah siyaasadda u soo galaan.

” Gabdhuhu waa in ay si sax ah siyaasadda u soo galaan oo ay dhegaha ka fureystaan kuwa dhahaayo reerkaada gabar ma ogola” ayeey tiri Marwa Mako.

Dhinaca Kale Muna Xasan ayaa dhankeeda ugu baaqday gabdhaha in ay bixiyaan lacagaha laga rabo oo aysan isku mashquulin qarashkaa nagu badan .

 ” Haddii aan gabadha aaney awoodin in ay shanta kun ee dolar, waa inay iska joogto gurigeeda, ma ahan in laga doodo shanta kun waayo waxa aan raadineyno ayaa ka weyn” ayeey tiri Muna Xasan.

Muna ayaa sidoo kale intaas hadalka intaas hadalkeeda ku sii dartay in gabdhaha ay yihiin gabdho adag maadama ay ragga wax kula tartamayaan.

” Gabdhaha Soomaaliyeed waa gabdho adag, haddiiba ay kursi ka soo doonteen beelaha Soomaaliyeed oo la ogyahay halka ay ka joogto gabdha”

Goobjoog News 

Hoos Ka Daawo Doodda OO Dhameystiran