U bood dhigaalka

Dood Wadaag Ku Adan Halka Ay Mareyso Siyaasadda Soomaaliya oo Lagu Qabtay Kenya

Sheeko:Dalka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka mid ah murashaxiinta xilka madaxtinninada dalka Soomaaliya 2016 oo ka soo qeyb galay shirka kana hadlay halkaa ayaa wax ka tilmaamay wax qabadka dowladda haatan jirta iyo siyaasada Soomaaliya halka ay mareyso sheegeyna inuu u taaganyahay xilka madaxweyninimada dalka sidii uu wax uga badali lahaa una hagaajin lahaa siyaasada iyo nabada.

kulanka oo ay ka soo qeyb-galay aqoon-yahanno, siyaasiyiin, haween wax-garad iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo guddoomiyaha xisbiga WADAJIR Kamaal Guutaale , ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta lagu casuumay kulanka, iyagoo ka hadlay waxyaabaha u qabsoomaydowladda Soomaaliya tan iyo 2012-kii iyo caqabada hortaagan ineysan qaban wax badan oo looga fadhiyay in la qabtay.

qaarka mid ah dadkii ka hadlay goobta oo u badnaa dadka dhaliila maamulka dowladnimo ee hada jira, ayaa sharraxay guul-darroyinka siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay iyo sida loogu baahan yahay in la helo isbeddel siyaasadeed oo waxtar leh.

Murashax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa goobta ka sheegay in uu dalku maraayo meel ka liidata halkii la joogay afar sano ka hor, loona baahan yahay in isbeddel la helo. Wuxuu tilmaamay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo midnimada dalka.

Murashaxa ayaa caddeeyay in kulankan uu ugu tala-galay, in la wadaago afkaarta iyo talooyinka si loo ogaada wixii qaldamay, loogana fikiro sidii loo sixi lahaa. Wuxuu ballan qaaday in kulamo nuucaan ah uu ku qaban doono meelo kala duwan oo ay Soomaalida ku nooshahay.

13530235_1392443970772481_733548536_n[2] 13553250_1392444897439055_14622883_n[1] 13563577_1392443887439156_1155419675_n[1] 13566084_1392444444105767_895677903_n[1] 13566087_1392444037439141_615929581_n[1] 13576328_1392443900772488_432248402_n[2] 13576441_1392444070772471_953138666_n[1] 13576473_1392443940772484_1992017934_n[1] 13579034_1392443930772485_896536339_n[2]