U bood dhigaalka

Dood Wadaag Looga Hadlayay Xalka Colaadaha Gobalka Mudug oo Gaalkacyo Lagu Qabtay

Sheeko:Amniga

Dood wadaagaan oo ahaa mid looga Hadlayay sida xal-waara looga gaari lahaa colaadaha kusoo laa laabta deegaanada gobalka Mudug isla markaana ay soo Agaasimeen  madasha Nabada iyo Is dhaxgalka dhallinyarada gobalka Mudug oo gacan ka helaya Hay’adda cilmi baarista iyo Nabada Puntland ee PDRC  waxaana lagu Qabtay magaalada Gaalkacyo iyadoona ay Ka qeyb-galeen masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, aqoon-yahan,siyaasiyiin Iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada.

Dood wadagaan ayaa intii uu socday waxaa dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshadii madasha ku Sugneyd ay su,aalo ku weydiiyeen masuuliyiintii iyo siyasiyiintii ka qeyb-galay kuwaa oo iyana faah faahinayay ka Bixiyay sida xal-waara looga gaari karo colaadaha dalka ka Jira.

Genaraal Cabdi wali jaamac Xuseen (Gorad) Taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka ayaa ugu horeyn ka hadlay sida xal waara looga gaari karo colaada gobalka.

Maxamuud Yaasiin Axmed Tumeey oo ka mida shaqsiyaadka lagu xasuusan doono mustaqbalka nabada xiligaan ka jirta magaalada gaalkacyo  ayaa isna sheegay in marka hore iskaashiga laga sameeyay isla markaana cadaalada laga shaqeeya.

Qaar ka mida dhallinraada madasha nabada iyo isdhaxgalka goballka mudug ayaa bogaadiyay sida ay u socdaan daadaalada nabada iyagoo dhanka kalana ka hadlay doorka ay dhlalinyaradu ka qaadan karaan dib u hishiisiinta dalka iyo doorka ay ku yeelan karaan sida xal waara loogu heli karo colaadaha soo laa laabtay in dhibaatooyinka badan abuuray.

             Goobjoog News