U bood dhigaalka

Doodda Goobjoog: Sharci Ahaanshiyaha Sii Joogista Madaxweyne Xasan Sheekh 10-ka September Kadib

Sheeko:Dalka

Goobjoog Fm ayaa qabatay dood ku aadan muddada xil haynta madaxweyne Xasan Sheekh ee 10-kii bishan ku beegnayd Afartii sano ee xilka madaxweynenimo loo doortey.

Dooddan waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaarihii hore ahna musharax madaxweyne C/weli Sheekh Axmed Maxamed, safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Kenya ahna musharax madaxweyne Maxamed Cali Ameeriko, Cali Xaaji Warsame oo isna ka mid ah musharraxiinta madaxweynaha Soomaaaliya soona noqday wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, guddoomiyaha ururada bulshada rayidka ah C/laahi Shirwac iyo sharci yaqaan Abuukaate Cumar Maxamed Gacal.

Waxaa dooddan lagu falanqeeyay arrimaha ku aadan sharci ahaanshiyaha sii joogista madaxweyne Xasan Sheekh, waxa arrintaasi uu dastuurka  ka qabo iyo arrimo kale.

Ugu Horreyn Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka C/weli Sheekh Axmed oo dhowr su’aal lagu dhex weydiiyay dooddan ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh aanu hadda ahayn madaxweynaha Soomaaaliya.

“10 September waxay soo gabagabeysay waqtigii dastuurka u idmaday madaxweyne Xasan  in  dalkaan uu madaxweyne ka yahay, haddee Dastuurka wuxuu sheegayaa in wixii 10-ka September Xasan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, laguna wareejiyo xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya”

C/weli ayaa ku baaqay in xilka madaxweynenimo loo dhaariyo guddoomiye jawaari si loo waafaqo Dastuuurka.

“Waxaan ku baaqnay in si degdeg ah loo dhaariyo guddoomiyaha baarlamaanka loona dhaariyo jagada Madaxweynaha, islamarkaana madaxweynaha caddeeyo in  uu xilka ka dego, kolley annaga waan xusuusinnay waana in sharciga ku dhaqmaan”

“Waxaan rabnaa waa in sharciga la raaco, aasaaska dalkaan waa sharciga, marka Koowaad Madaxweynaha Banneeyo xilka, guddoomiyaha baarlamaanka sii hayo xilka, waxaan rajeynaynaa in 30-kaas cisho ee guddoomiyaha xilka sii hayo kadibna waa laga tashanayaa baarlamaankana wuu joogaa, haddii aan nahay isbahaysiga isbedal doonkana waxaan wadnaa la tashi shacabka ah oo aan soo bandhigno hidise kala guurka dalka lagu maamulayo laakiin marka hore waa in sharcigaa la dabaqaa oo madaxweynaha xilka ka degaa haddii kale Dastuur ma jiro waaye oo Dastuur laguma dhaqmayo” ayuu intaa raaciyay Cabdiweli.

Cabdiweli waxaa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “Waxaan u maleynayaa guddoomiyaha baarlamaanka waa nin Soomaali ah madaxweynahane sidoo kale, hadii madaxweynaha waqtigu ka dhacay Dastuurkana u ogolaanayo guddoomiyaha baarlamaanka inuu shaqada qabto oo xilka sii hayo marka sabab loogu celiceliyo madaxweynaha ha joogo oo haku joogo sharci darro ma jirto, waxaan rabnaa inaan u gudubno dowlad qaanuunka ku dhisan, madaxweynaha waxaa sharaf weyn u ah laguna xusuusan doonaa markii uu dhaho waqtiga waa iga dhammaaday, waxaan ahay musharax howlaheega ololaha baan galayaa”

Musharax Madaxweyne Maxamed Cali  Ameeriko oo isna dooddan ka qeybgalayey wuxuu aragti ahaan ku dhowaa midka uu qabo C/weli  Sheekh Axmed kaasi oo ah in guddomiyaha baarlamaanka si  KMG ah loogu dhaariyo xilka madaxweynaha.

“Waan la qabaa Ra’iisul wasaare hore C/weli in 10-ka September xilka madaxweyne ugu egtahay madaxweyne Xasan Sheekh, xilka lagu wareejiyo guddoomiyaha baarlamaanka sida Dastuurka uu qabo”

Musharrax Ameeriko ayaa sidoo kale soo jeediyey in xafiiska uu baneeyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid maadaama musharax madaxweyne yahay “Waxaan kaloo sheegayaa in madaxweynaha kaliya aanay ahayn cidda aan rabno in xilka wareejiso Ra’iisul wasaaraha Isniintii lasoo dhaafay waxa uu isku soo sharaxay xilka madaxweynaha isna waa inuu ku wareejiyaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka, si aanay u dhici dano iska hor imaanaya”

“Ma dhihin madaxweynaha ha tako laakiinse hala raaco Dastuurka waxa uu qabo, waxyaabaha madaxweynaha iyo dowladdiisa ku fashilmeen waxaa ka mid ah waad ogtihiin in la dhameystiro dhismaha maamullada, Madaxweynaha IGAD buu u dhiibay maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe aaway dowladdii, annaga dowlad madax bannaan baan nahay, waxyaabaha kale ee fashilka ah waxaa ka mid ah shaqo la’aan baa jirta, iskuulladii lacag baa laga bixiyaa, amnigane meel xun buu marayaa” ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah musharraxiintaa doodda Goobjoog Fm ka qeybgalay ayaa isna tilmaamay in arrintu awood u muuqaneyso haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu sii joogo Villa Soomaaliya wixii ka dambeeya 10 September 2016.

“Haddii madaxweynaha sii joogo 10-ka September kadib waxaa uu xoog ku haystaa xilka madaxweynenimo si qilaafsan Dastuurka, madaxweynaha waa qofka ugu sarreeyay ee ahayd inuu ilaaliyo sharciga dalka, sida dastuurka qabana waxaa xilka la wareegaya guddoomiyaha baarlamaanka, wuxuu noqonayaa nin aan sharciyad haysan laakiin xoog ku jooga xafiiska Villa Soomaaliya”

“Madaxweynuhu waa qofka ugu sarreeya maamulka dalka, dabcan wax badan baa isaga ku xiran, dabcan haddii uu waqtigii ka dhammaaday waxaa laga doonayaa in si sharci ah xilka ku wareejiyo, laakiinse haddii uu isaga saharciga ku tunto waxa weeye qatarta ugu weyn ee dalkaan imaan karta, marar badan baa la qilaafay dastuurka dalkaan u yaalla, waadna la socotaan waan ka hadalnay” ayuu yiri Cali Xaaji.

Sidookale Cali Xaaji wuxuu tilmaaamay in iyagu aanay shaqsi nacayb ka ahayn hadalladan ay ku hadlayaan balse ay doonayaan in Soomaaliya ay gaarto meel ka wanaagsan meesha ay hadda joogto.

“Waxaan ka mid ahayn dadkii soo dhoweeyay markii la doortay madaxweynaha, waxaan ahayn dadkii jeclaa inuu ku najaxo, maanta xitaa aad baan u jecleen inuu ku najaxo, Afar sano baa la siiyey sabab walbo ha keentee wixii laga sugayey ma aanu qaban, waqtigii wuu dhammaaday, hadda waa inuu nala tartamaa, hadii uu guuleystana waan taageeraynaa”

Abukaate Cumar Maxamed Gacal oo isna qadka Taleefanka uga soo qeybgalay doodda Goobjoog ayaa qaba aragti ka duwan midda ay qabaan musharraxiinta, wuxuu sheegay in muhiim ay tahay inuu sii joogo madaxweynaha inta laga helayo madaxweynihii isaga bedali lahaa.

“Madaxweynaha waxaa ka weyn baarlamaankii doortay oo ka horreeyay, baarlamaan ayaana madaxweynaha la xisaabtami kara, maahine dad hadda kahor xilal laga qaaday oo xoogaa moodid in madaxweynaha si u cayrsanayaan warkooda kuma jiro, Axdi baa yaalla, Dastuur qoran qodob baa ku dhiggan, waxaa laga rabaa iney sheegaan qodob hebel baa sidaasi dhigaya, Axdiga waa la’isugu yimid, madaxweynaha illaa laga soo doorto madaxweyne kale xilka isaga ayaa sii haynaya, ee iskama tegayo”

“Soomaaliya waxaan leeyahay waxay iyada qorato ha raacdo, qof waardiye ah haddii xilliga ka dhamaado iskama tagayo illaa cidda ka bedalaysa timaado iskaba daa madaxweynaha oo umadda dhan howl u haya, habraac dowladeed ma dhigayo howsheeda wey dhammaatay oo waan baxay, haddii uu isaga xitaa iskiis isaga baxay ma eed la aanaayo, xildhibaannadii dooran lahaa madaweynaha soo socda ayaaba duurka jira, madaxweynaha xilka waxaa ku wareejiyey baarlamaanka, isaga ayaana la rabaa inuu la xisaabtamo, dad meelaha ka qeylinaa oo cid ay ka wakiil yihiin jirin warkooda iska daaya”

Guddoomiyaha ururada Bulshada Rayidka C/laahi Shirwac ayaa isna ku  taliyey in kaliya laga dhabeeyo go’aaankii madasha ee ahaa in October doorasho dhacdo.

“Waxay ila tahay in la sameey jadwalka doorashadii lagu ballamay, dowladdii dhexe markii uu waqtiga ka dhacay waxaa loo baahan yahay inay timaado ciddii bedali lahayd, Madasha mar hore ayeey laashay Dastuurka wax socdana ma ahan Dastuur, mar haddii muddo Sharciga bannaankiisa wax lagu maamulayey waxay hadda noqoneysaa in lagu dhaqmo xaal mastuur siyaasadeed oo micno leh mudada yare ee harsan, madaxweynaha ha iska sii ahaado madaxweyne sugaya cidii xilka ka bedali lahayd, madasha shirkeedana haku ekaado midkan hadda socda, laakiinse haddii la yiraahdo wax ma jiraan khasaare badan baa imaanaya, marka waxay ila tahay inay macquul tahay go’aankii madasha ee ahayd in October doorashada dhacdo”

“Baarlamaanka waxaa lagu wareejin karaa markii Baarlamaanka iyo hoggaankiisa shaqeynayaan, maadaama baarlamaankii dhacay waqtigiisa isagana hadda shaqeynayn sharciyad uu isticmaalayo oo  ah in maalin kuma darsan karo ayaa jirta, marka iney qodobkaasi bedalaan waaye, Baarlamaanka qaladka ugu weyn wuu leeyahay, madasha xubin buu ka noqday, baarlamaanka iyo xukuumadda waqtigooda wuu dhacay ismana matali karaan”

“Xaalka hadda waddanka ku sugan yahay caadi ma ahan, waa la sheegay in doorasho toos ah aysan dhacayn, markaas bay ahayd in la sameeyo jadwal doorasho oo  xalay oo kale madaxweyne la doorto” Shirwac ayaa sidaasi hadalkiisa kusoo gebogebeeyay.

Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa iyana dhankeeda falanqeyb ku sameysay arrimaha Dastuurka iyo sharciyada ka yaalla arrimaha ku aadan mudada u dhammaatay madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay sheegtay in Dastuurka aanay ku  qorneyn arrimaha hadda jira “Dastuurka wax walbo intuu falanqeeyo si fasiix ah uma dhigo, Dastuurka waa wax weyn ah oo sheegaya babaadi’da guud ee dalka ku dhaqmaayo waa run madaxweynaha waqtiga wuu ka dhammaanayaa, 10-kii September baa lasoo doortay, Dastuurka qiyaastiisa waxay tahay marka madaxweyne waqtiga ka dhaco la doorto madaxweyne kale”

“Dastuurka wuxuu qabaa haddii madaxweynaha xil gudasho la’aan ku dhacdo ama geeri ama xanuun in guddomiyaha baarlamaanka loo dhaariyo kadibna 30 cisho kadib madaxweyne lasoo doorto, laakiinse hadda waxa jira wey ka duwan tahay arrintaasi”

“Sida ugu wanaagsan waxay ahaan lahayd in baarlamaanka waqtiga ka fikiro oo baarlamaanka ugu daro madaxweynaha ayaa fiicnaan lahayd, laakiinse hadda ma aanay noqon, madaxweynaha inuu sii heynayo illaa 30 October waxaa lagu sheegay Digreeto madaxweynaha tiis ah oo madasha kasoo baxday”

Maryan ayaa hadalkeeda sii raacisey “Qolo kasta xaq bay u leedahay in fikirkeeda laga dhageysto, waxa laga hadlaya waa in dalka loo diido inuusan eber noqon, waxaala rabaa in awoodda qof sii haayo, qof kalena markii ay timaado qofkii awoodda haayey meesha ka baxo, arrintaasina waa tii aan horay u diidnay, marka dalka cidlo lagama dhigi karo, waa inuu leeyahay cid sii xukunta”

Siyaasiyiin badan baa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh aanu xaq u lahayn in uu talada sii hayo inkastoo madasha ay isku raacday in madaxweynaha sii joogo inta madaweyne kale laga soo dooranayo bisha October.

W/Q: Maxamed Abukar Kulmiye

Goobjoog News