Doodda Maqaamka Muqdisho ee Goobjoog FM

Wax badan waxaa laga hadlay Maqaamka magaalada Muqdisho, Laakiin doodda Maqaamka ee ka baxday Goobjoog News waxaa ay uga duwaneyd kuwii hore iyadoo ay ka qeyb galeen dhamaan maamul goboleedyada hadda jira iyo odoyaasha dhaqanka ee dalka.

Taariikhda Muqdisho:

Mugadishu, waa Caasimadda Soomaaliya waa magaalo taariikhi ah sida ay sheegaan buugaag hore uu ka mid yahay ‘Rixilaad Ibnu Batuuta”, waa magaalo ay ku soo hiran jireen dadka ku safra badweynta Hindiya, magaca Muqdishu waxaa la sheegaa inuu ka yimid” Maqcad Shaah” , dadka qaar ayaa sheegaya inay jirtay ka hor diinta Islaamka, qaarna waxay sheegaan inay ka mid tahay Magaalooyin uu sameeyay Abdi Malik Ibu Marwaan balse waxaa la isku heysan inay tahay magaalo taariikhi ah oo saldhig u noqotay dhamaan halgankii iyo ilbaxninada Soomaaliyeed.

Waa magaalo dhacda xeebta badweyta hindiya oo dekad iyo garoon leh, waxay soo caanbaxday inta aan la qodin kanaalka Suweys, waxay leedahay  degmooyin caan ah  oo kala ah: Degmada Cabdi Casis waxaa ku yaalla Masjidka Cabdicasiis oo jira in ka badan 5-qarni,  Boondheere, Shibis, Shingaani, Xamarweyne iyo Xamarjajab oo ah degmooyinka ugu duqsan magaalada marka lagu daro Wardhiigley oo ay ku taallo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia iyo Radio Muqdishu iyo Stadium Muqdishus, Waabari, Howl-wadaag, Hodan, Madiinaa(Wadajir iyo Dharkeyley), Yakhsiid, Huriwaa, Karaan.

Waxaa Muqadisho ku yaalla Masjidyo badan sida: Cabdicasis, Jaamaca Hamarweyne, Arbaca rukun, Marwaas, Isbahaeysiga iyo Shiikh Cali Suufi

Waxaa kaloo Muqdisho lagu gaar yeelay Iskuulaadkii ugu horeeyay ee dad wax ku bartaan sida Allaahida, Jaamacaddii Umadda, waxaa ku yaallo dhismayaal taariiqi ah iyo waddooyin caan ah.

Hadaba, Waxaa ay isweydiin Mudan, Yaa soo Maamulay Magaaladan, Magaaladan waxaa soo maray rag badan oo ka soo noqday duqa magaalada iyo guddoomiyaha Gobolka.

Guddoomiyeyaashii Gobolka Banaadir:

Xoriyaddii ka hor:

Dr. Campani Remeo sanadkii 1936, Rag Scarpe Sanadkii 1937, Dr. Sicar podesa  1937, Dr. Barbino Luigi, Dr. Baudi Marcelio 1937, Dr. Guliano Sanatore 1938, Dr. Bartelli Pietro 1941, Olivero Oliveri 1950, Dr. Alivero Enrico 1950, Vacco Carlo: 1653, Maxamed Sheekh Jamaal 1956, Axmed Mude Xuseen 1958.

Xoriyaddii Kadib: Dr. Keynidiid Axmed Yusuf 1962, Axmed Muse Xuseen 1966, Cumar Xasan Maxamed Istalin 1966, Dr. Sharif Maxamed Caydarus 1969, G/sare Axmed Maxamed Cade 1969, Gashaanle Cismaan Maxamed Jaale 1970, Gaashaale Xasan Abshir Faarax 1973, Yusuf Ibrahim Cali Abuuraas 1976, Dr. Cabdulahi Salaad Warsame 1981, Gaashaanle Xasan Abshir Faarax 1982, Cali Ugaas Cabdulle 1987, Sayid Cumar Xaaji Maxamed 1990, S/G Axmed Jilicow Maslax 1990, Cabdulahi gacal Sabriye 1991.

Burburkii kadib: Cabdulahi Muse Xuseen 2000, Dr. Xuseen Cali Axmed 2003, Cabdulahi Ganey Firimbe 2003, Muse Ibrahim Cumar Shaawey 2004, Maxamed Xuseen Cali Gaabow 2006, Maxamed Cumar Xabeeb 2006, Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur 2007, Ing. Maxamed Cali Nuune 2007, Dr. Maxamed Cali nur Tarsan 2010, Gen. Xasan  Maxamed Xuseen Muungaab 2014 iyo Yusuf Jimcaale Madaale 2016.

Si kastaba ha loogu soo kala horeeyo Xamar , Maanta Muqdisho waxaa ku nool dhamaan beelaha Soomaalida, waxaa ay caasimad ahayd  56 sano, waxaa la hadal hayaa in ay yeelato maqaam, sidee ayey dadka u arkaan Maqaamkaas? Sidee ayey tahay in ay ku noqoto caasimad qaran? Hadase Muqdisho ma tahay Caasimad loo siman yahay Maalgeshiga, Guryaha, Nolosha iyo dhamaan fursadaha kale?

Doodda waxaa ay u dhacday Sidan:

Nabadoon Maxamed Bin Cali Uunsane:

Nabadoon Maxamed Bin Cali Uunsane waxaa uu ku dooday in Xamar ay leeyihiin Mataan iyo reer Xamar, isagoo intaa raaciyay in labadaas la siiyo mudnaanta sida guddoomiyaha gobolka Banaadir, duqa magaalada Muqdisho oo sidaa lagu tixgeliyo.

Nabadoon Uunsane, si cadaalad iyo sinaan loo helo ayuu yiri in aanay la yeeli Karin in qof kasta uu gobolkiisa gooni u maamulo oo madaxweyne sheegto, hadana Muqdisho mudnaanteeda lala qeybsado.

Nabadoon Maxamed Bin Cali Uunsane waxaa uu ka hadlay in xaqa iyo xalka uu mar walbo xaqa horeeyo isagoo la yaabay in dadka qaar ka hadlaan in xalka la hormariyo.

Suldaan Cabdi Casis Cumar Daad Beyle:
Suldaan Cabdi Casis Cumar Daad “Beyle” waxaa uu sheegay in Muqdisho lagu soo kala horeeyay laakiin mar haddii ay tahay caasimadda aanu nin iyo qoys gaar ah sheegan Karin, Suldaanka waxaa uu intaa ku daray in magaalada la wada dhisay.

Suldaan Daad Beyle ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay in labo reer aanay hanan Karin, laakiin waxaa uu qiray in Muqdisho ay tahay meesha kaliya ee Dekadda, Airportiga iyo deeqdeeda Soomaalida oo dhan wada cunto, arrintaas uu ku amaanay beesha Hawiye.

Suldaan Cabdi Casis Cumar Daad Beyle waxaa uu ku dooday in Muqdisho aan dambi laga gelin, isagoo soo qaatay in aanay macquul ahayn in la yiraahdo tusaale ahaan Ina Uulaaye uu isaga Suldaan yahay waxbo kuma laha Xamar.

Nabadoon Abuukar Sheekh Macalin:

Nabadoon Abuukar Sheekh Macalin waxaa uu dhankiisa sheegay in dadka Muqdisho sheegta aanay lahayn taasina ay fahmi karaan cidda uu ka hadlayo, Nabadoon Abuukar waxaa uu qabaa in burburka dalka uu keenay qeyli oo ha ku qadin, isagoo carrabka ku adkeeyay inay xaq u leeyihiin in la aqoonsado xuquuqdooda.

Nabadoon Abuukar Sheekh Macalin waxaa uu qabaa in Xamar aan la dhihin Hawiye oo dhan wax ayey ka leeyihiin laakiin ay reer Mataan oo keliya lagu soo kobo.

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan:

Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan waxaa uu sheegay in Muqdisho ay tahay magaalo madax, isagoo soo jeediyay in Muqdisho laga dhigo 3 gobol.

Waxaa uu soo jeediyay in Shangaani, Xamar weyn, Cabdi Casis iyo Xamar jabab laga dhigo gobol halka Madiina, Hodan, Wardhiigley iyo Howl-wagaad uu sheegay in laga dhigo gobol iyo degmooyinka soo haray oo gobol 3-aad ah. 

Nabadoon Axmed Diiriye Cali:

Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa barnaamijka u sheegay in talada Muqdisho ay leeyihiin Hawiye iyo Banaadiri.

Nabadoon Axmed Diiriye waxaa uu qabaa in 17 degmo ka kooban tahay Muqdisho, 2 reer Xamar ah iyo 15 degmo oo Hawiye ah, isagoo soo jeediyay in Soomaalida ay ka dhaxeyso oo keliya Madaxtooyada dalka, laakiin aan dadka dhulkooda lagu qabsan.

Nabadoon Axmed Diiriye waxaa meesha ka saaray in ay jirto midnimo qaran, oo cid walba ay gobol leedahay sida Somaliland, Jubbaland iyo Puntland oo dalka federal uu noqday isagoo soo qaatay in Muqdisho la wada lahaan karo oo keliya marka dalka oo dhan laga hirgeliyo dowlad Midnimo qaran oo laga baxo nidaamkan federaalka ah.

Maamul Goboleedyada:

 Xildhibaan Cabdulahi oo ka tirsan Jubbaland:

Xildhibaan Cabdulahi waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u gudubtay federaal, maamul goboleed iyo awood qeybsi, waxaa uu soo qaatay in loo baahan yahay in la kala duwo caasimadda iyo madaxweynaha.

Isagoo faahfaahinaya waxaa uu intaa ku daray in Caasimadda iyo Madaxtooyada ay yihiin labo awoodood oo aan is raaci karin, sida haddii Muqdisho ay caasimad sii ahaaneyso in madaxweynaha la siiyo beelaha aan deganeyn magaalada Muqdisho.

Madaxa dalladaha rayidka ah ee Puntland: Nuur Shire Cusmaan:

Nuur Shire Cusmaan waxaa uu sheegay in Muqdisho astaahisho in caasimadda dalka noqoto laakiin waxaa uu is weydiiyay sida ay caasimad ku noqon karto meel la leeyahay reer hebel waxba loogama ogola oo aan la oroneyn halkan looma kala sokeeyo oo Soomali ayaan raadineynaa.

Nuur Shire Cusmaan waxaa uu barnaamijka u sheegay in Muqdisho ku yaalaan guryo ay awooweyashii ka dhiseen 1800, isaguna uu waxbarasho ku bilaabay Iskuul Macalin Jaamac iyo 15 May ilaa uu Lafoole Jaamacad uga baxo, waxaa uu la yaabay haddana in la leeyahay waxbo kuma lihid, isagoo sidoo kale dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in aanay sameyn wax dib u heshiisiin ah oo ay isku dir waddo.

Madaxa Dalladaha Bulshada rayidka ah ee Koofur Galbeed Cabdi Cadow Axmed:

Cabdi Cadow Axmed waxaa uu soo jeediyay in Muqdisho in ay maqaam yeelato oo ah mid ka dhiraadhiriyo oo cid walbo ay ku qanacdo, maqaam matali kara dhamaan dadka deggan magaalada Muqdisho.

Madaxa Dalladaha Bulshada rayidka ah ee Koofur Galbeed waxaa uu ku celceliyay in aan marnaba Muqdisho laga qaadi Karin caasimad dalka.

Wasiiru Dowladaha arrimaha gudaha iyo Dowlaha hoose ee Galmudug: Cumar Maxamed Diiriye

Cumar Maxamed Diiriye oo ah Wasiiru Dowladaha arrimaha gudaha iyo Dowlaha hoose ee Galmudug waxaa uu sheegay in muuqaalka ay yeelaneyso in uu noqdo mid qaran, qof walbana uu helo xuquuq oo loo sinnaado,

Wasiiru Dowladaha arrimaha gudaha iyo Dowlaha hoose ee Galmudug waxaa uu soo jeediyay in Muqdisho ay soo doorato dadka maamulaya heer gobol ilaa heer degmo.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW