U bood dhigaalka

Doon Sida Soomaali Kasoo Carartay Dagaallada Yemen Oo Maanta Kusoo Wajahan Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso, gaar ahaan dekadda Magaaladaasi ayaa la filayaa in maanta ay kusoo xirato doon la sheegay in ay wado dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo ka mid ah, dadkii dalka Yemen ku dhibanaa.

Mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Puntland ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in maanta dadkaasi ay imaan doonaan magaalada Boosaaso, iyadoo loo diyaar garoobay sidii loo soo dhaweyn lahaa.

Tiro ahaa dadkaan ayaa ku dhaw Kun (1,000) qof, waxaana ku jira Haween, Caruur Iyo dad da ah.

Magaalada Boosaaso waxaa horay usoo gaaray dad badan oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, hase ahaatee waxaa dalkaasi weli ku go’doonsan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo aan helin gurmad lagu soo daabulo.

Goobjoog News