U bood dhigaalka

Doon Siday In Ka badan Kun Qof, Kana Soo Cararay Dagaallada Yemen Oo Soo Gaartay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobalka Bari waxaa maanta soo gaaray dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Dadkaan oo tiradooda kor u dhaafaysay illaa iyo Kun qof ayaa doontii ay saaranaayeen waxa ay kusoo xiratay Dekadda Magaalada Boosaasi, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay guddi loo xil saaray in dadkaasi ay soo dhaweeyaan.

Doonidaan dadka saaran waxaa u badnaa Haween iyo caruur, waxaana soo dhaweyntooda sidoo kale ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka gobalka Bari iyo kan magaalada Boosaaso.

Qaar ka mid ah dadkaan oo u waramay Goobjoog News, waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin dalkooda ay dib ugu soo laabtaan, waxaana sidoo kale ay sheegeen in dalkii Yemen ee ay kasoo tageen ku dhiban yihiin dad badan oo Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah dadkaan oo magaciisa noogu soo koobay Cumar waxa uu sheegay in Yemen ay xaalad adag kula soo kulmeen, balse uu ku faraxsan yahay in dalkiisa hooyo si sharaf badan loogu soo dhaweeyay.

Cumar oo indhihiisa ay kasoo daadatay ilin ayaa ka codsaday maamulka Puntland iyo shacabka maamulkaasi in ay dadka u amba bixiyaan deegaanada ay dadkooda ku sugan yihiin, sidoo kale ay meel dejiyaan dadka aan deegaanka lahayn.

Dhinaca kale mid kamid ah dadka da’da ah ee doonidaan maanta kusoo xiratay magaalada Boosaaso saarnaa ayaa sheegay in dadka ay u dhamaadaan gaajo, ka dib markii dadka qaar ay waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan intaba.

Weli dalka Yemen waxaa ku sugan dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo dhibaato xoogan halkaasi ay ku hayso, kaliya dadkani waxa ay gurmad uga baahan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News